4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Dowlad gobolleedka Galmudug

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, halkaasoo lagu waddo in uu ka furmo shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Horay waxaa ugu sii sugnaa Dhuusa-Mareeb madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood oo saacadihii hore ee maanta gaaray.

Shirka Dhuusa-Mareeb oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo ayaa ku saabsan sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa doorashada dalka oo khilaaf weyn uu ka taaggan yahay, taasoo keentay in ay dib uga dhacdo qasoomideeda waqtigii loogu tala-galay.

Gaar ahaan waxaa shirka leys kula eegi doonaan fulinta qodobadii ku jiray heshiiskii 17kii September ee sanadkii hore ay wadajir u gaareen madaxda dowladda  Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada oo laakiin markii danbe ay ka soo dhax -baxeen dal-daloolo sababay in doorashada leysku khilaafo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]