4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Generaal Galaal oo galabta lagu aasay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda ayaa ka qeybgalay salaada Jinaasada alle ha u naxariisteen Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa Salaadda lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga  ayaa loo qaaday degmada Guri-ceel halkaasoo ugu danbeyntii galabta lagu aasay, waxaana aaskiisa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ehelada marxuumka.

Generaal Galaal ayaa ka mid ahaa saraakiisha fara ku tiriska ah ee aqoonta ballaaran u lahaa arrimaha ciidamada muddo dheerna la soo shaqeeyay dowladdihii militariga aheyd, isaga  oo muddadii uu noolaa ku biiriyay aqoontiisa ciidan dhisidda dowladdihii dalka isaga danbeeyay burburkii kaddib.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa halyeey Qaran.



Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]