4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay qarax miino ku dileen 12 ruux oo isku qoys ahaa

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) -  Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in  12 ruux oo isku qoys ahaa ku geeriyoodeen qarax miino oo loo dhigay gaari ay la socdeen oo marayay deegaanka Golweyn.

Warkan oo lagu daabacay bogga Idaacada Codka ciidamada ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen saddeed ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga la socday.

Deegaanka Goobweyn ayaa qiyaastii 30km u jira magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira eedeynta loo jeediyay ee ah dhimashada dadkan isku qoyska soo jeeday.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku badan walxaha qarxa ee lagu aaso jidadka ay isticmaalaa gaadiidka rayidka iyo kuwa ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]