4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay weerarkii Hotelka Afrik kana tacsiyeeyay geerida Jeneraal Galaal

 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab shalay galinkii danbe ku qaadeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho isaga oo dhanka kalana ka tacsiyeey geerida Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.”

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey muwaadiniinta dhaawacyada ka soo gaareen weerarka in uu alle caafiyo,  isaga oo xusay  in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan  Al-shabaab

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]