4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 8 , 2021
Finland oo €7.65 milyan oo Yuuro ah ugu deeqday in lagu maalgaliyo waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed
 

Arbaco, December, 8, 2021 (HOL) - Finland ayaa deeq lacageed oo dhan 7.65 milyan oo Yuuro ugu deeqday waxbarashada Soomaaliya, lacagtaas oo noqon doonta maalgalin weyn oo lagu sameeyo waxbarashada Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo muddo 30 sano ka hor ah.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Soomaaliya, Finland iyo UNICEF, ayuu Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ku sheegay in ka qayb qaadashadan ay carruur badan siin doonto fursado waxbarasho.

Xafiiska UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijku dejinayo yoolal hiigsi leh oo lagu laba jibaarayo is-diiwaangelinta dugsiyada hoose, horumarinta tayada waxbarashada iyo xoojinta awoodda wada-hawlgalayaasha dowladda si loo gaarsiiyo waxbarasho loo siman yahay dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

"In ilmo kasta la siiyo fursad uu wax ku barto waa maalgashiga ugu wanaagsan ee qaran kasta uu sameyn karo, waxaana ku faraxsanahay inaan qayb ka nahay dadaalkan Soomaaliya," ayay tiri hay'adda Qaramada Midoobay ee Unicef.

Safiirka Finland Pirkka Tapiola ayaa xusay in dalkiisu uu aad ugu faraxsan yahay in uu bilaabo iskaashigan ay la leeyihiin UNICEF si ay uga faa'iidaystaan carruurta Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online