4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 8 , 2021
Qeyb kamid ah guddiga doorashada gobolada waqooyi oo aqbalay in dib loo dhigo doorashada 16 kursi
 

Arbaco, December, 8, 2021 (HOL) - Guddiga Doorashada Somaliland gaar ahaan ahaa xubnihii ka yimid dhanka Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay ayidsan yihiin qoraalka ka soo baxay Cabdi Xaashi oo lagu dalbanayo in la hakiyo doorashada 16 kursi ay horey u shaaciyeen.

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in gudiga sare ee doorashada gobolada waqooyi ay xallinayaan khilaafaad soo kala dhex galay guddiga soo xulaya ergooyinka doorashada.

Lama oga in xubnaha kale ee guddiga ee ka socda garabka raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed ay aqbali doonaan go’aanka Cabdixaashi iyo garabkiisa kasoo baxay.

Guddiga doorashada kuraasta Somaliland ayaa soddonkii bishii hore soo gudbiyay in ay qaban doonaan doorashada 16 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS, balse khilaaf ka dhashay doorashada kuraastii hore ayaa keentay khilaaf hor leh.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online