4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Somaliland: Rag samaynayay lacag been abuur ah oo gacanta lagu dhigay
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Ciidamada Laanta Socdaalka ee Somaliland, ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo dalka Nigeria u dhashay, oo ku howlanaa samaynta lacagta dollar ka oo been abuur ah.

Taliyaha ciidamada laanta socdaalka Somaliland, jeneral Maxamed Cisman Caalin, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragan ciidanku gacanta kusoo dhigay kadib, baadhis iyo dadaal badan oo ciidanku sameeyeen.

"Raga halka taagan oo tiradoodu ay saddex tahay, eeda halkan loo keenay waxa weeyaan qalabka aad halkaa ku arkaysaan, waa qalabka laga sameeyo lacagaha, dadaal badan iyo tamar badan ayay ku suurogashay in eedaysanayaashaasi soo galaan gacanta ciidanka socdaalka" ayuu yidhi Caalin.

Caalin ayaa sheegay in ciidanku ay ku guulaysteen qabashada nimankan kadib, xog iyo wada shaqayn ay ka heleen, qaybo kamid ah bulshada.

"Habeen saddexaadki, goor habeen badh kii ah ayay ciidanku saddexdaa nin mid walba goob gooni ah kasoo qabteen, waxaana jira dad muwaadiniin ah oo howshaa nooga xogogaal sanaa oo nagala shaqeeyay" ayuu yidhi Caalin.

Dhowr bilood kahor uun bay ahayd markii ay ciidanka laanta socdaalku sidan oo kale usoo bandhigeen rag kasoo jeeda dalalka Nigeria iyo Tanzania oo samaynayay lacagta dollarka iyo shilinka Somaliland oo been abuur ah.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]