4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqday iney Shacabka Soomaaliyeed Soomaan muddo afar maalmood ah
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in muddo afar maalin ah oo ka bilaabaneysa maanta oo Talaado ah in la soomo, islamarkaana maalinta afaraad ee ugu dambeysa oo ku aadan maalinta Jimcaha la Tukado Salaad Roob doon ah.

Wasiir Rooble ayaa sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay iney is cafiyaan oo ay Allah ka baryaan inuu ka dulqaado abaarta ka jirta dalka.

"Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya iney Soomaan muddo afar maalmood ah oo ka bilaabaneysa Talaadada kuna eg Jimcaha oo taariiqda ku beegan tahay 10-12-2021, islamarkaana maalinta u dambeysa ee Jimcaha in la iskugu soo baxo Salaad Roob doon ah, meesha lagu Tukan doonana waxaa inoo sheegi doona maamulka gobolka Banaadir" ayuu yiri wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka  Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili meelo badan oo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro si weyn u saameyay dadka iyo duunyada.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]