4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2021
Raysal wasaare Rooble: Waxaa iga go'an hirgelinta doorashooyin daahfuran, dhaliil kastana waan saxaynaa
 

Isniin, December, 6, 2021 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen gudiga doorashooyinka ayaa diirradda lagu saarayay socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa goobta shirka ka sheegay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada.

Wuxuu raysal wasaaruhu mar kale ku celiyay in ay ka go'an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

"Waxaa iga go’aan in aan saxno wixii qaladaad ah ee jira sarana u qaadno hufnaanta iyo habsami u-socodka doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan,Waxaan garowsanahay muhiimadda ay leedahay in ay qabsoonto doorasho hufan oo xalaal ah laguna wada kalsoonaan karo, si nabad ahna ku dhacda" ayuu yidhi Ra'iisul Wasaare Rooble.

Shirkan ayaa imaanaya, iyadoo guddiga heer federal ee doorashooyinka uu dhexdiisa isku khilaafay kuraas lagu doortay koonfur galbeed oo guddiga madaxdiisa amreen in lagu laabto.

Raysal wasaare Rooble ayaa la aaminsan yahay inuu culays kala kulmayo dowlad goboleedyada oo saamayn weyn ku leh arrimaha doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online