4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay xadhiga Sayidka Barakaysan
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci jabin iyo xoriyatul qowlkii oo meel lagaga dhacay ku tilmaamay xadhiga loo gaystay jilaaga da'da yar ee Idiris Ilig (Sayidka Barakaysan), oo xabsiga la dhigay kadib markii uu jilay riwaayad duraysa xukuumada Biixi.

Faysal ayaa sheegay in xoriyatul qowlku kamid yahay waxyaabaha  ay Somaliland adduunka ka iibiso, sidaa darteedna ay tahay in la dhowro.

"Xadhiga lagu xidhay dhalinyaradii sheekadii qosolka ahayd samaysay, ee matalaysay dowlad aan waxba qaban, waxyaabaha aynu iibino waxa kamid ah doorashooyinka, nabada iyo xoriyatul qowlka, hadii cid la xidhayo waxa fiicnayd in la xidho kuwa qabyaalada ku hadlaya, ee salaadiinta sheeganaya" ayuu yidhi Faysal.
 
Faysal ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu sii daayo Sayidka Barakaysan iyo dhalinyarada riwaayada kula jirtay oo la sheegayo in ay iyaguna xidhanyihiin, isagoo sheegay in xadhigoodu uu dastuurka baalmarsanyahay.

"Inamo yar yar oo riwaayad sameeyay marka la yidhaa waala xidhay, xoriyatul qowlkii ayaa meel lagaga dhacay, dastuur keenuna wuu kasoo horjeedaa, madaxweynaha waxan ka codsanaya in dhalinyarada lasoo daayo, xadhiga aan loo aabo yeelayna la joojiyo" ayuu yidhi Faysal.

Idiris Ilig oo loo garan ogyahay Sayidka Barakaysan, ayaa xabsiga la dhigay kadib markii uu jilay riwaayad tilmaamaysa in xukuumada Biixi anay waxba qaban afartii sanno ee ay joogtay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online.
[email protected]