4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Muqdisho: Nin xaaskiisa oo u haysay 9 carruur ah oo ku dilay mindi
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Qamar  Cabdiraxmaan Cumar oo ahayd hooyo haysatay 9 carruur ah oo ku noolayd degmada Xamar Jajab ee gobolka Banadir, ayaa geeriyootay, kadib markii seygeeda ay carruurta u dhashay uu  ku dilay Mindi.

Dilka haweenaydan oo dhacay  xalay abbaare 11:30pm habeenimo, ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii seygeeda uu ku handaday in ay siiso $25, oo baad ah.

Ninkaan waxa uu xaaskiisa ku dilay mindi nuuca lagu gowraca xoolaha, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar katirsan qoyska marxuumada, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka codsaday in si degdeg ah loosoo qabto dambiilaha, sharcigana lagu fuliyo.

“Ninkeedaa dilay, wuxuu ku dilay lacag ay lahayd oo $25 ah. Si aan qof islaam ah loo dilin ayuu u dilay. Mindida gacmahuu kaga jajabiyay, sagaal mindina wuu ku dhuftay,” sidaas waxaa tiri haweeney katirsanayd qoyska marxuumada.

Gacan ku dhiiglaha ayaa goobta ka baxsaday markii uu falkan geystay. Laamaha amniguna weli kama hadlin dhacdadan.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online