4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay maamuuska dowladnimada
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku eedeeyay in uu qaybiyay xubnaha golaha iyo in uu meel kaga dhacay dowladnimada.

Afhayeen Buuni oo warbaahinta kula hadlay xafiiska guud ee xisbiga ee magaalada Hargaysa, ayaa guddoomiye Cabdirisaaq ku eedeeyay in uu ka qayb galay qado beeleed, isla markaana uu dad gaar ah ku tilmaamay in ay doorteen.

"Guddoomiye waxad ku talaabsatay qaybin golahahaagii wakiilada, qaranimadii Somaliland ayaad meel kaga dhacday oo waxad ka qayb gashay, munaasibad qado ah oo bulsho kamid ah Somaliland lahayd, waxad halkaa ka sheegtay in dadkii ugu badnaa ee ku doortay ay ahaayeen, waxa ayaan daro ah in golihii kuwada doortay aad qaybtii ku dooratayna sii qaybisay" ayuu yidhi Buuni.

Buuni waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif aanu u dhaqmayn sidii masuul haya jagada saddexaad ee Somaliland ugu awooda wayn, isagoo ku andacooday in laga filayay in uu hogaaminta ka barto madaxda hay'adaha kale, sida sharci dajinta iyo golaha guurtida.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]