4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Maanta ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta ku dhexnaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Baarsanguuni ee duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni, waxaana la sheegay in halkaasi labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal culus oo socday ku dhawaaad hal saac.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni waxay sheegeen in weerarkaasi ay ku dhaawaceen askari ka tirsan ciidanka Jubbaland oo ay magaciisa kusoo koobeen Nuur.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland oo dhankooda ka hadlay weerarka kaga yimid Al-shabaab waxay sheegeen iney iska difaaceen, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen shabaabkii soo weeraray, walow aysan carabaabin inta uu dhan yahay khasaaraha ay gaarsiyeen.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxay si aad ah u kordhiyeen weerarada gaadmada ah iyo kuwa tooska ah ay ku qaadayaan Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]