4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Raysal wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo ka wada hadlay xaaladda doorashada dalka
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa  Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoo ka wada hadlay xaaladda doorashada, kadib markii mucaaradku maalmo ka hor ay qaadaceen doorashada.

Cumar Cabdirashiid ayaa Muqdisho u tagay si uu uga mid noqdo wada-tashiyada u dhaxeeya midowga musharraxiinta mucaaradka, oo doorashada u qaadacay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay sheegeen in lagu sameeyay doorashada.

Wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa qeyb ka ahaa kulanka dhexmaray raysal wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid.

“Runtii aad iyo aad ayaanu uga mahad-naqaynaa wakhtiga iyo doodaha hufan ee aanu ka yeelanay xaaladda doorashadu. Mararka qaarkood isfaham waa lagu gaaraa shirarka aan caadiga ahayn,” ayuu Cumar Cabdirashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.                                                        

Cumar Cabdirashiid ayaa dhawaan ka digay in wax isdaba marinta hannaanka doorashada inuu dalka dib ugu celin karo dagaal sokeeye, isagoo ku baaqaya in la qaado tillaabooyin sax ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online