Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Dowladda Uganda oo ciidankeeda ku sugan Soomaaliya uga digtay weeraro ay maalmaha ciidda Kirismaska qorshaynayaan Alshabaab
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa ciidankeeda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya u dirtay fariin ku saabsan in ay ka digtoonaadaan weeraro argigixiso oo ay qorsheynayaan Al-Shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, Lt Gen Peter Elwelu ayaa ka codsaday askarta Uganda ee Soomaaliya ku sugan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta lagu guda jiro maalmaha ciida Kirismaska oo dhamaadka bishaan ku beegan.
General Peter ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro isdaba joog ah oo ay ku dhibaateynayaan ciidamada AMISOM, taasi uu sheegay in loo baahan yahay in askarta AMISOM ay ka fogaadaan mar walba.
Lt Gen Elwelu ayaa hadalkan jeediyay mar uu la hadlayay in ka badan 2,500 oo askari oo ka qeyb galay xiritaanka tababarkii 13-aad ee ka-hortagga howlgallada argigixisada.
Wuxuu kaloo ka codsaday askarta Uganda inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada kale ee amniga Soomaaliya, ayna wadaagaan xogta si cadowga looga hor tago.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay 500,000 oo ah tallaalka COVID-19
12/5/2021 4:07 PM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Dowladda China ayaa maanta magaalada Muqdisho gaarsiisay 500,000 kuuro oo ah tallaalka COVID-19, waxaana kala wareegtay wasaaradda caafimaadka.
Dowladda Soomaaliya iyo UN-ka oo goobo lagu xannaaneeyo dhirta ka hirgaliyay tuulooyinka Goobweyn iyo Yoontooy
12/5/2021 11:16 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Barnaamijka wada jirka ah oo ay wada hirgaliyaan dowladda Soomaaliya iyo UN ka ee yareynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL) ayaa labo goobood oo lagu xannaaneeyo dhirta ka hirgaliyey tuulooyinka Goobweyn iyo Yoontooy.
Guddiga doorashada Soomaaliya oo sheegay in dib loogu laabanayo doorashada labo kursi oo lagu doortay Baydhabo
12/5/2021 11:00 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in dib loogu laabanayo doorashada labo kursi oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydbabo.
Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay xadhiga Sayidka Barakaysan
12/5/2021 10:13 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci jabin iyo xoriyatul qowlkii oo meel lagag dhacay ku tilmaamay xadhiga loo gaystay jilaaga da'da yar ee Idir Ilig (Sayidka Barakaysan), oo xabsiga la dhigay kadib markii uu jilay riwaayad duraysa xukuumada Biixi.
Muqdisho: Nin xaaskiisa oo u haysay 9 carruur ah oo ku dilay mindi
12/5/2021 6:56 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Qamar Cabdiraxmaan Cumar oo ahayd hooyo haysatay 9 carruur ah oo ku noolayd degmada Xamar Jajab ee gobolka Banadir, ayaa geeriyootay, kadib markii seygeeda ay carruurta u dhashay uu ku dilay Mindi.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay maamuuska dowladnimada
12/5/2021 6:27 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed ku eedeeyay in uu qaybiyay xubnaha golaha iyo in uu meel kaga dhacay dowladnimada.
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal Maanta ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose
12/5/2021 6:21 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta ku dhexnaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Baarsanguuni ee duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Raysal wasaare Rooble iyo Cumar Cabdirashiid oo ka wada hadlay xaaladda doorashada dalka
12/5/2021 3:49 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble, iyagoo ka wada hadlay xaaladda doorashada, kadib markii mucaaradku maalmo ka hor ay qaadaceen doorashada.
Al-shabaab oo weerar khasaare geystay la beegsatay askar ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya
12/5/2021 1:07 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar jidgal ah ku dileen ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya.
Somaliland iyo Hindiya oo galay heshiis maalgashi oo malaayiin dollar ku kacaya
12/5/2021 12:37 AM EST
Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Hindiya, ayaa isbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu la galay heshiis isbitaal $100 milyan ku kacaya lagaga dhisayo Somaliland.
Somali News
AMISOM Hands Over New Ablution Facilities in Mogadishu
-
AMISOM
12/5/2021 7:06 AM EST
Two new ablution facilities comprising of eight flush toilets have been handed over by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to the business community at Marine market within Aden Adde International airport in Mogadishu to boost hygiene standards at the busy market.
Refugee from Somalia and her supporters take case to PM's office
-
Ottawa Sun
12/5/2021 6:58 AM EST
After waiting more than two years to be reunited with her husband and little girl, a Brockville-based refugee is taking her case straight to the Prime Minister’s Office.
European Parliament backs RSF’s call for moratorium on arrests of journalists in Somalia
-
RSF
12/5/2021 6:51 AM EST
In a resolution on the human rights situation in Somalia adopted yesterday, the European Parliament has endorsed the call for a moratorium on arrests of journalists in Somalia that Reporters Without Borders (RSF) and its partner, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), issued more than a year ago and have been reiterating ever since.
Be Vigilant During Christmas – Gen Elweru Cautions Uganda Troops in Somalia
-
Chimp Reports
12/5/2021 6:38 AM EST
The Deputy Chief of Defence Forces, Lt Gen Peter Elwelu, has called upon Uganda Peoples’ Defence Forces (UPDF) troops in Somalia to be extra vigilant during the Christmas period since the Al-Shabaab takes advantage of the festive season to execute attacks against AMISOM troops in the country.
Ethiopia's war in uncertain phase after Abiy's advance
-
AFP
12/5/2021 4:00 AM EST
Ethiopia's military this week regained control of territory previously claimed by Tigrayan rebels, a potential validation of Prime Minister Abiy Ahmed's decision to join soldiers to conflict-hit areas.
France to work with Saudi Arabia to resolve Lebanon crisis
-
Al-Jazeera
12/5/2021 3:05 AM EST
France and Saudi Arabia have held a joint phone call with Lebanon’s Prime Minister Najib Mikati, a gesture seen as significant in resolving an unprecedented diplomatic crisis between Riyadh and Beirut.
Somali commandos arrive home after training in Turkey
-
Yenisafak
12/5/2021 12:32 AM EST
Over 100 Somali Gorgor (Eagle) commandos trained by the Turkish Armed Forces arrived home on Saturday.
Mogadishu Book Fair Resumes after COVID-19 Lockdown Postponement
-
VOA
12/5/2021 12:15 AM EST
Somalia’s annual Mogadishu International Book Fair has resumed following the suspension of the event last year due to the coronavirus pandemic. Restrictions were applied to the invitation-only event this year in order to prevent the spread of COVID-19.