4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Al-shabaab oo weerar khasaare geystay la beegsatay askar ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar jidgal ah ku dileen ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya.

Weerarka dhabagalka ah ayaa la sheegay in Al-shabaab la beegsadeen gaari nooca xamuulka qaada ah, kaasoo ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya, waxuuna weerarka qabsaday xili ay marayeen nawaaxiga deegaanka Bambo oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Mandheera.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, kasoo gaaray ciidanka la weeraray, waxaana goobta ku geeriyooday laba Sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 10 kale oo ka tirsan askarta Kenya.

Gaariga weerarka qabsaday ayaa la sheegay inuu ka baxay deegaanka Rhamu, kaasoo waday raashin loogu talagalay ciidanka Booliiska dalka Kenya.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah la beegsada ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]