4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 5 , 2021
Somaliland iyo Hindiya oo galay heshiis maalgashi oo malaayiin dollar ku kacaya
 

Axad, December, 5, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar ku jooga dalka Hindiya, ayaa isbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu la galay heshiis isbitaal $100 milyan ku kacaya lagaga dhisayo Somaliland.

Muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland, ayaa baahiyay, in madaxweyne ku xigeenku uu heshiiska Deepam hospitals uu maalgalinayo saxeexay.

"Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii anba qaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxeexday mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya kuwaas oo dalka ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar".

"Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, Wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaal dalweynaha Hindiya".

Saylici oo heshiiska ka hadlay sida ay qortay TDnext ayaa sheegay in sannad kasta, ilaa 50,000 oo qof oo reer Somaliland ah ay caafimaad u taga waddamo kala duwan oo ay ka mid tahay Hindiya isagoo sheegay in hada kadib uu maamuli doono xafiis ganacsi oo Somaliland Hindiya ku yeelan doonto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online.
[email protected]