4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Jilaa da'yar oo Hargaysa lagu xidhay kadib markii uu duray xukuumada Somaliland
 

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Idiris Ilig oo ku magac dheer Sayidka barakaysan oo ah jilaa dhilinyarada ah oo dagan magaalada Hargaysa, ayaa lagu xidhay xarunta dambi baadhista (CID-da) ee Hargaysa, kadib markii uu dhawaan riwaayad ku duray xukuumada madaxweyne Biixi.

Riwaayada la filayo in ay galaafatay xoriyada Sayidka barakaysan, ayuu wax kaga tilmaamay maciishada kor u kacday iyo sicir bararka Somaliland ka jira, taasi oo uu u dhigay in wasiirada iyo madaxweynaha Somaliland, aanu midna diyaar u ahayn in uu wax ka qabto.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa cambaareeyay xadhiga jilaaga, isagoo sheegay in dadku ay camal la'aan yihiin, jilayaashuna ay umadaa maaweeliyaan.

"Xukuumada waxan leeyahay, dadkan riwaayadaha jira dad badan ayay dalka ka hayaan, dhalinyarada bilaa camalka ayaa ku badan, mushkiladaha ayaa ku badan, markaa dadkii iyagu dadka maaweelinayay haday xidhaan, ma dadka ayay isku kicinayaan?" Ayuu yidhi xildhibaan Abiib.

Garyaqaanka caan ka ah ee Guuleed Dafac, ayaa kamid ah dadka cambaareeyay xadhiga jilaaga "Eediisu ma waxa ay noqon doontaa "ka qosliye shacab." Xaq ayuu u leeyahay inuu ku dhiibto aragtidiisa sugaan ahaan sida ku cad qodobka 32(1) ee Dastuurka Somaliland".

Wali ma jirto cid laamaha amaanka ka tirsan ama qoyska jilaaga ka socota oo ka hadashay xadhigiisa, iyadoo xadhigiisu uu warbaahinta guud ahaan aad ugu baahay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]