4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 4 , 2021
Gabadh Soomaali ah oo ku dhawaaqday inay u tartameyso Senate-ka Minnesota

Sabti, December, 4, 2021 (HOL) - Zaynab Maxamuud Maxamed oo ah gabadh Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah ayaa ku dhawaaqday inay u tartamayso kursiga senate-ka, iyadoo ku matalaysa gobolka Minneapolis

Haddii la doorto waxay noqonaysaa haweeneydii ugu horreysay ee Madoow ah oo Muslim ah uguna da’da yarayd ee loo doorto Senateka Minnesota.

Zaynab Maxamuud Maxamed oo 24 jir ah, waxay xilkaan isugu soo sharraxday kadib markii haweenaydii kursigan ku fadhiday Torres Ray ay ku dhawaaqday bishii hore inaysan u tartami doonin.

Torres Ray, oo shan jeer kamid noqotay Senetka Minneapolis, ayaa ahayd qofkii ugu horreeyay ee Latina ee noqda senateka Minnesota.

Zaynab, waxay sheegtay go'aanka ay iskusoo sharraxday inuu ahaa mid adag, iyadoo tilmaamtay in dadweynaha xaafaddeeda ay ku dhiirri galiyeen inay u tartanto kursigan, ayna ku guulaysan karto.

Zaynab waxay ku kortay koonfurta Minneapolis ka dib markii qoyskeedu ay u soo haajireen Maraykanka, iyagoo ka yimid Soomaaliya. Waxayna ka qalinjabisay Jaamacadda Minnesota 2019.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online