4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo ku baaqday in si degdeg ah lagu dhameeyo colaadda Bosaso
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Maamul Puntland iyo saraakiisha ciiddanka PSF in ay wada xaajood nabadeed ku xalliyaan iska-horimaadyadii maanta ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso.

Iska-hor imaadka ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan saddex qof oo rayid ah iyo dhaawaca todobo kale, kuwaas oo ay haleeshay xabbadaha wiiftada ah oo ay dhinacyada dagaalamayay isku weydaarsanayeen xaafaddaha Boosaaso.

Dhimasho iyo dhaawac aan la xaqiijin tiradooda ayaa sidoo kale soo kala gaaray ciidamada dagaalamayay ee labada dhinac ka kala tirsanaa. waxaana dagaalku istaagay galabnimadii maanta.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda Boosaaso, laguna soo laabto wada-hadal, si loo helo wada-xaajood, xal nabadeed. Dagaalada sii socdaa waxay waxyeelo kale u geysanayaan Boosaaso iyo dadkeeda", ayay tiri safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Saddexdii todobaad ee u dambeeyay waxaa jiray ismari waa u dhexeeyay ciidamada PSF-ta iyo kuwa maamul goboleedka Puntland kadib wareegtadii uu Madaxweyne Deni ku beddelay taliyihii hay'adda PSF Sareeye Guuto Maxamuud Cismaan Diyaano.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online