4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Golaha ammaanka oo waqtiga u kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) u kordhiyay saddex bilood oo dheeraad ah oo ay kusii joogaan dalka, si ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika  uga wada xaajoodaan mustaqbalkooda fog ee howlgalka  AMISOM.

Go’aankaan ayaa wuxuu ka dhigan yahay in ciiddamada Amisom ay Soomaaliya sii joogayaan illaa bisha Maarso ee sanadka soo socda si ay u sugaan heshiis rasmi ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaa doonaya in dib u habeyn lagu sameeyo howlgalka AMISOM, waxayna doonayaan in la aas aaso howlgal isku dhaf ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Howlgalka AMISOM ayaa haatan waqtigiisu wuxuu ku ekaa dhammaadka bishaan December, waxayna dowladda Soomaaliya doonaysaa in sannadka soo socda howlaha AMISOM lagu wareejiyo ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ula wareegaan masuuliyadda amni ee dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online