4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku Casuumay shir looga hadlaayo arrimaha Doorashada
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka iney kasoo qeyb galaan shir looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka dalka oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay inuu dhici 27-ka bishaan Decembar shir looga hadlaayo dardar gelinta howlaha doorashooyinka geedi socodka, toosinta iyo dhameyatirka doorashada dalka Isniinta soo socota.

"Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir 27-ka bishan December, 2021 ka dhici doona magaalada Muqdisho,kaas oo looga arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka" ayuu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ka kooban Raysal wasaare Rooble, madaxweynayaasha Shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, mana ahan markii ugu horeysay  ay isugu yimaadaan kulamo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaatee shirkaan uu Raysal wasaaraha Soomaaliya uu isugu yeeray madaxda Golaha wadatashiga Qaranka ayaa imaanaya xilli cabasho badan ay ka timid doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwa boob ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]