4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
QM oo sheegtay Ku dhawaad 7.7 milyan oo Soomaaliya ah inay u baahan yihiin gargaar degeg ah
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 7.7 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa u baahan doona gargaar sannadka 2022, taasoo 30 boqolkiiba kor u kacday muddo hal sano gudaheed ah, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasheeda.

Qaramada Midoobay ayaa $17 milyan ka soo saartay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah (CERF) si loogu daboolo baahiyaha degdegga ah ee bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen.

Qoondaynta wadarta guud ee maalgelinta arrimaha gargaarka Soomaaliya ee sannadkan 2021, ayaa ka dhigaysa $52 milyan.

Ku dhawaad 60 milyan oo dollar ayay deeq-bixiyeyaashu ku bixiyeen sanduuqa gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya sanadkan 2021, kaasoo taageera mashaariicda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka.

"Nolosha dadka Soomaaliya waxay ku jirtaa Khadka cas, mana haysanno waqti aan wax kale ku lumino," ayuu yiri madaxa bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths, isaga oo intaa ku daray in qoondaynta cusub ee CERF ay ogolaan doonto in si degdeg ah kor loogu qaado howlgallada muhiimka ah.

In ka badan 541,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa warbixinta lagu sheegay in lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda sanadkan oo kaliya sababa la xiriira colaado iyo amni darro.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online