4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Bashiir Goobe oo beeniyay eedayn dhul boob ah oo loo jeediyay raysal wasaare Rooble
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Wasiir udowlaha hawlaha guud iyo dib udhiska dalka, Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe) ayaa beeniyay eedayn kasoo baxday taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, kaasoo sheegay in raysal wasaare Rooble uu guryo ka dhisanayo dhulkii ay lahaayeen ciidamada Badda Soomaaliya.

Bashiir Goobe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay raysal wasaaraha inuu gurigiisa ka dhisanayo dhul kuyaalla aagga safaaradda Turkiga oo ku dhow xeebta. Isagoo caddeeyay dhulkaas in uusan ahayn dhul dowlad.

"Dhulka la sheegayo waa dhul yar oo annaga xafiisyadeenna ka dambeeya. Oggaanshahayga iyo taariikhda aan u leeyahay dhulkaas ma ahayn dhul dowladdeed," ayuu yiri General Bashiir Goobe.

Bashiiir Goobe wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay in sarkaal katirsan ciiddanka uu eed intaas le'eg u jeediyo madaxda qaranka, wuxuuna sheegay in ay tahay arrin aanay ka suurtoobin saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay hadalka taliyaha badda kasoo yeeray in aanu ahayn mid ay la qabaan madaxda qaranka sida madaxweynaha. Isagoo ku tilmaamay arrin la doonayo in lagu fashiliyo dadaaladda socda ee arrimaha doorashada iyo sida uu sheegay kalsoonida raysal wasaaraha lagu qabo.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online