4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Hoggaamiyaha TPLF oo amar ku siiyey ciidamadiisa inay ku soo laabtaan gobolka Tigray
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha kooxda TPLF ayaa ciidamadiisa ku amray inay si degdeg ah uga soo baxaan degaannada Axmaarada iyo Canfarta, kuna soo laabtaan degaankooda, isagoo ku tilmaamay inay arrintani tahay tallaabo loo qaaday dhanka wada hadal iyo xabbad joojinta.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay u gogol xaarayso wada hadal lagu gaarayo xal waara, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeennu uu noqon doono billowga nabadda."

Arrintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli muddooyinkii u dambeeyay ay dowladdu sheeganaysay inay guulo waawayn ka gaareen dagaalkan, taas oo dowladda u horseeday inay TPLF kasoo celiso magaalooyinkii ay horey u haysteen.

Dagaalkan oo socday muddo sannad iyo dheeraad ah, ayay labada dhinac midna gaarin halkii uu ku taamayay, dhinaca dowladda waxay inbadan ku celcelisay inay cagta marinayso TPLF, oo hawada ka saari doonto, halka TPLF ay ku rajo waynaayeen inay meesha ka saarayaan xukuumadda Abiyi Axmed, laakiin labadaa arrimood iyadoo midna ka suurtoobin ayay TPLF sheegtay inay ka baxayso dhammaan dhulkii ay horey u haysteen, kuna laabanayaan degaankoodii.

Wali dhanka dowladdu kamaysan hadlin hadalka kasoo yeeray TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]