4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 2 , 2021
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo jawaab ka bixiyay eedayn uga timid midowga musharraxiinta
 

Khamiis, December, 2, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa ka codsaday midowga musharraxiinta caddeymo muujinaya in guddigu uu ka hor istaagay inuu ka qabto dacwad ama go’aano guddigu gaaray oo loo maray sifo baalmarsan habraaca doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in labo dacwaddood oo kaliya ay soo gaareen tan iyo markii ay shaqadooda si rasmi ah u bilaabeen, waxayna caddeeyeen in labadaas dacwo ay u mareen habraaca doorashada.

Guddigu waxay sheegeeen in aysan qaban doonin dacwad aan lasoo marin nidaamkii loo dajiyay, waxayna sheegeen in badi dacwadaha musharraxiinta ay yihiin kuwa aan soo dhaafin warbaahinta.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online