4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 19, 2021
Macalimow: Illaa iyo hadda go’aan ay qaateen guddiga khilaafaadku oo dib loogu noqonayo oo raysal wasaaruhu sheegay ma jiro
 

Axad, December, 19, 2021 (HOL) - Afhayeenka xukuumada federalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa sheegay in uusan jirin wax go’aan ah oo kasoo baxay raysal wasaaraha oo sheegaya in dib loogu laabanayo go’aannada ay horey u gaareen guddiga khilaafaadka doorashada.

Afhayeenka oo wareysi siinayay warbaahinta dawladda, ayaa sheegay in raysal wasaaruhu xilka ka qaaday 7 xubnood oo katirsan guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, kuwaas oo xil ka qaadidooda loo sababeeyay in ay baalmareen anshaxa doorashada.

"Illaa iyo hadda go’aan ay qaateen oo dib loogu noqonayo oo la sheegay ma jirto. Waxaa la sheegay oo raysal wasaruhu warqadaas uu soo saaray ku caddeeyay xubnaha guddiga ee xilka laga qaaday," ayuu yiri afhayeenka xukuumada.

Golaha midowga musharraxiinta ayaa soo dhoweeyay tallaabada xilka qaadista, balse waxay dhinaca kale dalbadeen in dib loo saxo go'aannadii guddigan uu horey u gaaray oo uu muran badan ka taagnaa.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa fasaxay kuraas la isku haystay oo laga cabanayay, waxayna dhaleecayn weyn kala kulmeen midowga musharraxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xil ka qaadistooda ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii ay warbaahinta ka sheegeen in awooddo ka sarreeya ay faro galin ku hayaan shaqadadooda.

Xubnaha xilka laga qaaday waxay kasoo horjeesteen go'aanka xil ka qaadista ee raysal wasaaraha kasoo baxay, waxayna ku tilmaameen mid sharci darro ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online