4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Yuusuf Dabageed "kursi walba waxaa kusoo bixi doono qofkii aan rabno"
 

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu mudooyinkii dambe safar kaga maqnaa, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa markuu gaaray gudaha magaalada Baledweyne kula hadlay Warbaahinta waxa uu sheegay in dhawaan maamulka Hirshabeelle uu guda gali doono howlaha doorashooyinka Goalaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana shacabka reer Baledweyne ka dalbaday in laamaha amaanka kala shaqeeyaan amniga Baledweyne.

"Dhawaan waxaa bilaaban doonto doorashada kuraasta taala Baledweyne, waxaana imaan doona magaalada dadka hada jooga dad la eg, maamulada kale doorashada way ka socota anagana wan bilaabeyna, waxaana ogaatiin kursi walba cidan rabno ayaa kusoo bixi doonta ee ma dhici doonto in qabiil maamulo kursi" ayuu yiri Yuusuf Dagabeed.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili doorashooyinkii Golaha Shacabka ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb si aad ah cabasho looga muujiyay hanaanka ay ku dhaceen doorashooyinkooda oo lagu tilmaamay iney ahaayeen kuwa aanan daahfurneen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]