4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 18, 2021
Dowladda Soomaaliya oo diiday baarista xadgudubyada xuquuqul insaanka ee Itoobiya
 

Sabti, December, 18, 2021 (HOL) - Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la dhiso guddi caalami ah oo khubaro ah oo baara xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka socda Itoobiya.

Codeyntan ayaa timid ka dib shir shalay ka dhacay dalka Itoobiya oo looga hadlayay arrimaha xuquuqul insaanka, kaasoo ay saraakiisha Qaramada Midoobay ka digeen in dagaalka Itoobiya uu ku fido gobolka.

Codbixintii shalay, 21 ka mid ah xubnaha Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarka, iyadoo 15 ay diideen, 11 kalena ay ka aamuseen.

Dalalka ansixiyay waxaa ka mid ah quwadaha reer Yurub oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Jarmalka, halka dalalka ka soo horjeeda ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ayaa saaxiib la ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxayna codkooda ku diideen qaraarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u taageeray dagaalka Abiy ee Tigray, halka Afwerki uu ciidamo u diray gobolka.

Wadamada ka amusay qaraarkan waxaa ka mid ah Senegal, Libya, Malawi iyo Sudan.

Guddigan ayaa ka koobnaan doona saddex xubnood, waxayna muddo hal sano ah kormeeri doonaan xaaladda xuquuqul insaanka ee Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa kasoo horjeestay shirka iyo dhismaha guddigan, iyadoo sheegtay in UN-ka ay afduubteen dhinacyo dano siyaasadeed leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online