4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 17, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Golaha wadatashigu waxay ku heshiiyeen in kuraasta lawada boobo
 

Jimco, December, 17, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay golaha wadatashiga qaran in ay heshiis ku yihiin boobka doorashada kuraasta aqalka hoose.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirashakuur ayaa sheegay in si cad loo diiday in habraaca doorashada wax laga beddelo, oo la tixgaliyo sida uu sheegay cabashada kasoo yeeraysa qabaa’ilada kuraastooda loo boobayo cid gaar ah oo taabacsan Villa Somalia.

“Meeshaan waxaa lagu heshiiyay in kuraasta lawada boobo. Habraaca la dhigtay iyo qaabka wax u socdaan iyo doorashada hala saxo waala diidan yahay. Hal qof oo katirsan madasha qaran oo dhahaya doorashada hala saxo, marka laga reebo raysal wasaaraha, ma arag," ayuu yiri hoggaamiyaha xisbigada Wadajir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in maamulada qaar ay doorashada u boobayaan in ay iyaga musharraxiin yihiin, halka qaar kalena uu tilmaamay in ay u boobayaan madaxweyne Farmaajo si mar kale loosoo doorto

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir wuxuu sidoo kale sheegay, haddii guddiga xallinta khilaafaadku ay sii daayeen kursiga taliye Yaasiin Fareey in aanay wax rajo ah oo dambe ka qabin kuraasta lagu muransan yahay in dariiq sax ah ay maraan.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in golaha midowga musharraxiinta ay ku go’aan qaadan doonaan waxa kasoo baxo shir ay dhawaan ku qaban doonaan magaalada Muqdisho.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online