4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 16, 2021
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay iney gacanta kuso dhigeen Warshad sameyneysay waxyaabaha Maanka dooriya

Khamiis, December, 16, 2021 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo howlgalo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha maanka dooriya ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay maandooriye kala duwan oo aad u fara badan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo ka hadlay howlgalada ciidamada Booliiska ay kula dagaalamayeen waxyaabaha maanka dooriya ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen keydkii ugu balaarnaa ee waxyaabaha maanka dooriya sida Calaqa iyo Xashiishka oo ku jiray Fuustooyin, jiirgaano iyo digsiyada lagu kariyo.

"Shalay iyo maanta waxay ciidanka Booliiska ah wadeen howlgal lagula dagaalamayo darooga dhibaatada badan ku haysa dayarta dalka, shalay waxaan qabanay maandooriye farabadan, maantana waxaa gacanta lagu dhigay Warshad weyn oo lagu sameynaayay waxyaabaha maanka dooriya sida Calaqa, Xashiiska kuwaas oo aan soo dul istaagay iyagoo 8 digsi lagu karinaayo" ayuu yiri guddomiye Cumar Finish.

Warshada la sheegay iney aheyd tan ugu balaaran ee lagu farsameeyo waxyaabaha maanka dooriya ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ku taalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa sidoo kale sheegay in maandooriyaha gacanta lagusoo dhigay lagu gubi doono goob fagaare ah, islamarkaana uga digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]