4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 15, 2021
Wasiir Jamaal: "Sanaag waxay kamid tahay Soomaaliya aniga ayaana wasiir u ah, Hargaysa iyo Burco-na anaa u ah"
 

Arbaco, December, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Dowlada Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, oo ka qayb galayay shir uu soo qaban qaabiyay macadka Heritage, oo ka socda dalka Jabuuti, ayaa sheegay in uu isagu Somaliland iyo Soomaaliya-ba shirka ku matalayo.

Wasiirka oo ah shakhsi kasoo jeeda gobolka Sanaag ee Somaliland oo muuqbaahiyaha MMTV uu wax ka waydiiyay, sababta xukuumada Somaliland shirka loogu soo casuumi wayay, ayaa ku jawaabay in uu isagu Somaliland shirka ku matalayo.

"Somaliland, Sanaag iyo Garoowe dadka jooga xaqiiqo rasmi ah ayaa jirta dad manihin hada loo sharaxayo, yaa halkaa tagay iyo yaa halkaa tagay, Sanaag waxay kamid tahay J. Faderalka Soomaaliya aniga ayaana wasiir u ah, Hargaysa-na anaa u ah, Burco-na anaa u ah" ayuu yidhi wasiir Jamaal.



Dhinaca kale, danjiraha Somaliland ee dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, oo MMTV, wax ka waydiiyay hadalka wasiir Jamaal, ayaa sheegay in xukuumad shacbigu doorteen ay Somaliland ka taliso, isla markaana anay jirin cid kale oo Somaliland matali karta.

"Somaliland xukuumad ayaa jirta dadku ay doorteed, golayaal qaran ayaa jira, cid kale oo matali karaysa ma jirto, ninkaa iska hadlayna waxan u arkaa uun nin aan habeen jirin... waan ognahay waliba nin kaasi dhibaatada uu ku hayo qaranka Somaliland" ayuu yidhi danjire Saciid.

Xukuumada Somaliland ayaan ka qayb galay shir uu soo qaban qaabiyo macadka Heritage oo qaybo kamid ah Soomaalida uga soconaya dalka Jabuuti, isla markaana danjire Siciid ayaa sheegay in Somaliland ay shirka iyadu qaadacday.



Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]