4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 9 , 2021
Puntland oo soo rogtay xayiraado lagu xakamaynayo covid-19
 

Jimco, April, 09, 2021 (HOL) - Guddiga xakamaynta cudurka Covid-19 ee Puntland ayaa si kumeel gaar ah u hakiyay howlaha waxbarashada, isagoo amray in albaabada loo laabo guud ahaan dugsiyada iyo jaamacadaha.

Go'aankaan ayaa qeyb ka ah go'aano xalay kasoo baxay shir ay wada qaateen guddigan, kadib markii uu kordhay faafitaanka cudurka iyo dadka u dhimanaya.

Guddigu waxay kaloo qasab ka dhigeen in ay dadweynuhu xirtaan afsaabka gaar ahaan meelaha la isugu yimaado iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana la sheegay in tallaabo laga qaadayo ciddii fulin weyda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online