4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 9 , 2021
Madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada oo mar kale cadaadis lagu saarayo in ay sii wadaan wada hadallada doorashada

 

Jimco, April, 09, 2021 (HOL) - Kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in uu fashilmay shirkii toddobadyadii ugu danbeeyay ka soconayay teendhada Afisiyooni ee wadatsihiga heerka Qaran ee doorashooynka dalka, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya cadaadis mar kale hoggaanka dalka lagu saarayo in ay dib isugu soo laabtaan lana sii wado wada hadallada doorashada.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ay dowladdu ku eedeysay in aysan diyaar u aheyd doorasho ka dhacda dalka sababna u yihiin fashilka shirka ayaa dhankooda sheegay in aysan ka war qabin wadahadallo fashilmay, balse dowladdu dhankeeda ka cagjiideyso in la laga wada hadlo doorasho ku dhacda si wadar ogol ah.

Beesha caalamka oo kaalin muuqata oo mug leh ka qaadanaya sidii madaxda Soomaalida leysugu soo dhaweyn lahaa ayaa mar kale wadda dadaallo dib loogu bilaabayo wada hadallada dhinacyada Soomaalida ee doorashada,

“Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay beesha caalamka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhankiisa warbaahinta u sheegay in ay wali diyaar u yihiin sii socoshada wada hadallada, balse dowladda rabto in ay fashiliso shirka, isaga oo ku eedeeyay in ay sii deysay warar aan jirin.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba in markii horeba dhinacyada wadahadlaya daacad ka aheyn isfaham iyo heshiis  laga gaaro khilaafka dhinaca doorashada ah, marka laga soo tago beesha caalamka oo iyagu ku qasbaya in ay wada hadlaan.

Dowladda Federaalku dhankeeda waxaa ay sheegtay in ay dadaal kasta ku biixsay sidii ay wada hadalladu u miro dhali lahaayeen laakiin mar walba madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland u muuqdeen kuwo xagal daacinaya wax kasta oo keeni kara isfaham iyo heshiis buuxa oo la gaaro.

Lama oga in mar kale dib u bilaaban doonaan wada hadallada doorashada iyo dowladda Federaalku ku qanci doonto dalabka beesha caalamka ee ah in mar kale leysugu soo laabto kulamada dibna loo furo wada hadallada doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]