4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Cumar Filish '' Saameyn dhaqaale ayuu sababay cudurka Covid 19

 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud  Filish ayaa sheegay in saameyn dhaqaale uu ku yeeshay cudurka Covid-19 maamulka gobolka Banaadir , iyadoo hoos uu u dhacay dhaqaalihii u soo xaroon jiray.

Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad uu kala qeybgalay bulshada degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar Weyne kaas oo lagu qabtay xarunta Degmada Xamar Jajab.

Waxgaradka labada Degmo ayaa u gudbiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  baahiyahooda iyagoo diirada saaray dhismaha Wadooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sare u sii kacayo dadka uu soo ridanayo cudurka Covid 19, waxaana ay bulshada ugu baaqday in ay ka foojignaadaan khatarta cudurkan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]