
newsinsideLabadan sarkaal ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Banaadir iyo Shabeelada hoose iyo ku xigeenkiisa Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada.
Sirdoonka Soomaaliya waxay sheegeen in Muuse Kooble iyo 6 nin oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday Tooratooroow, ay 28-03-2021 kula qaraxday deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sarkaalka labaad oo lagu magacaabo Maxamuud Goobe Raage ayuu sirdoonku sheegay in lagu dilay dagaalkii Bariire.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in labadan nin ay ku xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada, iyadoo la sheegay in ay ku howlanaayeen sidii ay Qaraxyo uga fulin lahaayeen Muqdisho.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online