4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Villa Soomaaliya '' ma'aha in sharuud lagu xiro fulinta heshiiskii 17dii September

 

Talaado, April, 06, 2021 (HOL) - Villa Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegay in shirka teendhada Afsiyooni qarka  u saaran yahay in uu burburo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi  ayaa sheegay in kulamada madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobolleedyada si wanaagsan u socdaan, isaga oo meesha ka saaray in wali leysku mari la'yahay.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay dalbanayaan si uusan khilaaf u dhicin in shuruud lagu xirin heshiiskii 17dii September.

Shirkan  madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta dib u dhacay sababo lagu sheegay maqnaashaha madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]