4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
Wararkii ugu dambeyay Shirka Madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalintii labaad galay
 

Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw markale dib u bilaawday shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalintii shalay ahayd uga furmay Xarunta Afisyooni.

Shirkaan oo aay soo qabanqaabisay Beesha Caalamka, waxaa diirada lagu saaraya doorashada dalka ka dhaceysa taasoo aay isku fahmi la'yihiin madaxda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaare Maxamed Xuseen rooble iyo dhamaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya shirka ka socda Teendhada Afisyooni.

Shirka maanta ayaa lagu wadaa in dhinacyada isku afgartaan ajandaha shirkooda, waxaana la filayaa in maanta war murtiyeed kasoo saaraan shirka soo socda xiliga la qabanaayo iyo maalmaha uu socon doono waa hadii aay madaxdu isku afgartaane.

Madaxda Soomaalida ah ee maalintii labaad shirka uga socdo Teendhada Afisyooni ayaa waxay cadaadis xoogan kala kulmayaan Beesha Caalamka oo dadaal xoogan ugu jirta sidii aay isku fahmi lahayeen doorashana aay uga dhici laheyd dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]