4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo fariin u diray Hay'addaha amniga dowladda Soomaaliya
 

Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa si adag uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ummada Soomaaliyeed la wadaagay murugada iyo tacsida dhalinyaradii xalay ku geeriyootay qaraxa si gaara ahaana ugu tacsiyadeeyay qoysaskii aay ka geeriyoodeen dhalinyaradii lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay lala beegsaday.

"Waxaan Ummada Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tacsida dhalinyaradii xalay ku geeriyootay qaraxa lagu dilay, anigoo marka hore tacsi u diraya dhamaan qoysaska dhalinyaradaas mustaqbalka u aheyd dalka ee naftii haligihii qariban oo shabaab ka tirsan uu ku qarxiyay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho"ayuu yiri Sheekh Shariif.

Gabagabadii Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Hay'addaha amniga dowladda Soomaaliya iney ka hortagaan weerarada qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho oo aay iska diidaan in lagu mashquuliyo arrimaha is diidan ee siyaasada, waxaana qaraxii xalay ku geeriyootay inta la xaqiijiyay 6 ruux oo dhalinyaro u badna iyo dhaawaca 4 qof oo kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]