4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Wejigii hore ee nabadaynta beelaha ku dagaalamay Dhabar-dalool ee degmada Xuddun oo la soo gabagabeeyey
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Wufuud u badan madax-dhaqameed, Cuqaal iyo waxgarad ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood ka dib markii ay mudo laba todobaad ah ay ku sugnaayeen halka lagu magcaabo dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka ayaa warsaxaafadeed ay ku qabteen Dhabar-dalool  waxay sheegeen in ay soo afjareen wejigii hore ee nabadaynta, waxaana ay sheegeen in wejiga labaad loo gudbayo ciida ka dib.

"Waxaan ku guulaysaney in aan labada dhinac aan isla garanay in nabad iyo xabad joojin laysla qaato, waxaana ku balanay in mudada ka hadhay bisha ramadaan ay nabada la illaaliyo" sidaana waxaa warbaahinta u sheegay Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

Madaxda dhaqanka ee halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay wufuud uga yimaadeen Puntland oo ay anbabixiyeen ayna hadii ay ku adkaato u yeedhan doonaan.

Sidoo kale waxa ay la hadleen wefti ka yimi bariga Burco oo goobtaas ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay waxaanay ka codsadeen in ay iska anbabaxaan inta ay iyagu xal ka gaadhayaan, in ay u toog hayaana way ka codsadeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la odhan karaa talaabo muhiim ah ayay gaadheen gudigan labada todobaad u fadhiyey Dhabar-dalool colaad labaataneeyo ruux ku naf waayeen tiro ka badana ay ku dhaawacmeen, halka kumanaan dad ahina ay ku barakeceen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laacaanood