
Sabti, April 03, 2021 (HOL) - Faah faahinno ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.
newsinsideWararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu fuliyay qof naftiihure ah uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo aan ka fogeyn saldhigga degmada Shangaani,
Maqaaxida ayaa lagu waramayaa in xiligan uu qaraxu ka dhacayay ay ku shaaheynayeen dad shacab ah, sida ay warbaahinta u sheegeen dad gooba agdhawaa
Wararku waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawcba leh, hasse ahaatee wali dhab ahaan lama soo sheegin inta uu la eg yahay khasaaraha.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]