4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Mareykanka oo war ka soo saaray xiisada Muqdisho

 

Talaado, April 27, 2021 (HOL) -War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku aad uga walaacsanyahay iska hor-imaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

"Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay xakameeyaan rabshadaha, si nabad ahna ku xalliyaan khilaaftooda. Wadahadal iyo is afgarad ayaa ah dariiqooyinka kaliya ee lagu xallin karo jahawareerka doorashada" ayaa lagu yiri war-murtiyeedkan oo intaas sii raaciyay "Waxaan ku boorrineynaa dhinacyada in ay si deg-deg ah dib u billaabaan wadahadalladii, si loo gaaro waddadii lagu heshiiyay, loona qabto doorasho deg-deg ah"

Mreykanka ayaa ku celiyay ay saari doonaan cuna-qabateyn iyo xannibaad dal kugalka Visa Mareykanka kuwa wiiqaya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Hadalka Mareykana ayaa ku soo aadaya iyadoo ay weli magaalada Muqdisho ka jirto xiisad colaadeed iyo xasillooni darro, taas oo ka dhalatay qaraarkii Golaha Shacabku ay muddo kordhinta ugu sameeyeen hay'adaha dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]