4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2021
Dagaal culus oo ka qarxay degmada Hodan gaar ahaa Isogyska KM4

 

Axad, April. 25, 2021 (HOL) -  Dagaal culus ayaa goor dhaw ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Hodan gaar ahaan Isgoyska KM4, iyadoo dagaalkan uu daba socdo dagaal isla maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis.

Siyaasiga Cadbiraxmaan Cabdishkuur Warame oo degan aaga uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in hoygiisa ay soo weerareen sida uu hadalka u dhigay ciidamo ka amar qaatay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa lagu waramayaa in ay ku lug leeyihiin saraakiil caan waxaana leysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan 

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]