4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Dowladda Cumaan oo gargaar raashin ah gaarsiisay magaalada Baledweyne


Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Gargaarkan oo ay faa'ideysteen ilaa 1000 qoys oo ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku deeqday Saldanada Cumaan oo soo marisay Shirkadda Al-Furqaan.

Maxamed Tahiil Maxamuud oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda Al-Furqaan ayaa HOL u sheegay in qeybinta gargaarkan aay dhankooda ku wareejiyeen maamulka heer degmo oo maanta goob joog ka ahaa bixinta raashinkan oo aay dadku sheegeen inuu soo gaaray xili aay baahi weyn u qabeen.

Maamulka degmada Baledweyne ayaa uga mahad celiyay dowladda ku deeqday iyo shirkadda loo soo wakiishay intaba  gargaarkan ballaaran oo ay ugu talagaleen in ay dadku kaalmeystaan bisha Barakeysan ee Radamaan.

Dadka ka faa'ideystay gargaarkan oo ahaa dad danyar ah ayaa sheegay in lagu soo beegay waqti ay aad ugu baahnaayeen, iyaga oo uga mahadceliyay Saldanada  Cumaan oo gargaarkan ugu deeqday.

Waa tiradii ugu badneyd oo qoysas ah danyar ah oo bishan Ramadaan ka faa'ideysta gargaar soo gaara magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]