4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
AMISOM oo war kasoo saartay geerida danjirihii hore ee midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya
 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Danjire Boubacar Gaoussou Diarra, oo ahaa Wakiilkii Gaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, sanadihii 2010 ilaa 2012.

AMISOM waxay sheegtay in ay ku xasuusan doonto Danjire Diarra inuu si hagar la’aan ah uga shaqeeyay aasaaska nabadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo qaran-dhisidda Soomaaliya.

Waxa la sheegay intii uu ahaa Madaxa AMISOM in Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho uuna qeyb ka ahaa aas aaskii Howlgalkii xoraynta Shabeellooyinka, si loo soo nooleeyo amniga iyo dhaqaalaha Muqdisho iyo gobolka Shabeellada hoose.

“Shaqaalaha AMISOM, waxay xurmeyneynaa dhaxalkiisa waxaanna ka murugeysanahay geerida wiilka weyn ee Afrika. Waxaan u gudbineynaa tacsi tiiraanyo leh qoyskii Danjire Diarra iyo shacabka iyo Dowladda Mali,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay AMISOM.

"Raadkiisa aan la tirtiri karin wuxuu mar walba la mid noqon doonaa ka hortagga argagixisada, dib u dhiska nabadda iyo dib-u-dhiska guud ahaan qaaradda, min Soomaaliya ilaa Burundi iyo Mali," ayuu yiri danjire Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online