4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay guddida doorashooyinka
 

Sabti, April, 24, 2021 (HOL) - kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la yeeshay guddida doorashooyinka, ayaa lagaga wada hadlay habsami usocodka iyo kharashaadka ku baxaya doorashooyinka.

Guddida doorashooyinka ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay halka ay marayaan hawlaha qaban qaabada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka.

Xubnaha guddida ayaa madaxweynaha u sheegay in hawlaha doorashooyinku u socdaan sidii loogu talo galay isla markaana doorashooyinku ku qabsoomayaan wakhtigii la qorsheyay.

Sidookale madaxweynaha iyo guddida ayaa ka wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo lacagaha ilaa hada ku baxay u diyaar garaw gooda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa guddida uga mahad celiyay hawlaha u diyaar garawga doorashooyinka ee ay ku hawlanyihiin isagoona ku adkeeyay in ay muujiyaan xilkasnimo dheeraada.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka, ayaa 31 bisha soo socota ee May ka qabsoomi doona Somaliland.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]