4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo wax laga xishooda ku tilmaamtay mid kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii midowga Afrika
 

Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidamada AMISOM ay la soconayaan  dhaq dhaqaaqa ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo halis gelinaya wada shaqaynta AMISOM iyo ciidamada dowladda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi fataax Qaasim ayaa ku tilmaamay go’aankaas wax laga xishoodo maadaama aysan ka mid ahayn waajibaadka AMISOM, wuxuuna  intaas ku daray dowladda in aysan aqbali doonin dawladaha aan rabin ciidamada Soomaaliya in ay horumar sameeyaan.

“AMISOM shaqadeedu waa in ilaaliso dhismooyinka dowladda, arrimaha bulshada iyo ka hortagga argagixisada, ”ayuu yiri wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenka gaashaandhiga ayaa u muuqda mid bilow u ah khilaaf cusub oo u dhaxeeya dowlada federaalka iyo midowga afrika waxaana dowlada federalka lagu wadaa inay qoraal soo saarto go’aanka midowga afrika.

Habeenimadii Khamiista ayaa bayaan ay soo saareen Midowga Afrika waxay kaga codsadeen AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkooda, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Ciidamada Amniga ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online