4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2021
Midowga Afrika oo ugu baaqay daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya in ay mudnaanta siiyaan wada hadal loo dhan yahay
 

Khamiis, April, 22, 2021 (HOL) - Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan ka yeeshay ismaandhaafka doorashada ee ka taagan Soomaaliya, kadib markii barlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharci oggolaanaya muddo kordhin labo sano ah.

kulanka oo furmay maanta tobankii barqanimo ayaa weli ka socda xarunta midowga Afrika ee magaalada Addis ababa.

Golaha Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhamaan daneeyayaasha Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan wada hadal loo dhan yahay iyo is afgarad siyaasadeed oo ku wajahan nabada iyo xasiloonida

Kulankan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku boorriyey Midowga Afrika inay fududeeyaan wadahadallada u dhexeeya dawladda iyo mucaaradka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii la soo dhaafay wadahadal la yeeshay madaxweynaha DRC, Felix Tshisekedi oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika arrimo ku saabsan sidii loo xallin lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Talaadadii, Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waxay ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka, si loo ambo qaado  heshiiskii Sebtember 17.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online