4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya Madaafiic lagu weeraray agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya
 

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux oo shacab ah laba ka mid ahna aay dumar yihiin ayaa ku dhintay Hoobiyeyaal Duhurnimadii maanta kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda waxaana ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo caruur u badan.

Hoobiyeyaasha oo tiro ahaan gaarayay ilaa 5 hoobiye ayaa ahaa kuwa jugtooda laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay qaarkood iney ku dhaceen guryo ku yaala suuqii hore ee degmada Warta Nabadda, Safaaradii hore ee Jarmalka oo ku taala gidaarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya iyo waliba kaam barakacayaal ah oo isna ku yaala agagaarka Godka Jilacoow ee degmada Boondheere.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo waliba maamulada degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyeyaashii maanta lagu garaacay xaafado ka tirsanaa degmooyinkaasi.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka Madaafiicda ahaa ee maanta lagu garaacay agaagaarka qeybo ka mid ah xaafadaha degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]