4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 2 , 2021
Puntland oo soo dhoweysay shirka berrito dhexmaridoona dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Puntland ayaa shaacisay in ay ka qeyb galayso shirka madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, kaasoo la shaaciyay inuu dhacayo maalinta berrito ah oo ku beegan saddexda Abril.

Puntland waxay sheegtay shirkaan inuu ka dhashay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada.

Puntland waxay kaloo shirkaan ku tilmaamtay shir horudhac u ah shirka arrimaha doorashada, kaasoo is afgarad looga gaarayo ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wada tashiga.

Shirkan ayaa noqondoona shirkii ugu horeeyay oo ay isku arki doonaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo tan iyo markii Muqdisho la isugu yimid aysan kulmin marnaba.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online